OGAYSIIS Reer Kolding: Wado muhiim ah oo shaqo ka bilaabmeyso.

RH: Laga bilaabo maanta oo Isniin ah 15.04.24 ilaa xiliga fasaxa sammerkan 2024 waxaa ka socota shaqo balaadhan  wadada/ jidka Fynsvej ee magaalada Kolding, gaar ahaan meesha looga soo galo loogana baxo, marka la isticmaalyo jidka dheereeya ee haywayga ku xidha kolding,

Sababta ayaa lagu sheegay in dhulka la qodayo si loo galinayo dhuumaha soo qaada kulka hiitarada ,

kuwaas oo dhulka hoostiisa la marinayo, hadaba hadii aad kasoo degto jidka Motervej ga/ haywayga  kasoo gal ama ka bax wadadooyinka kale ee furan ee Haywayga looga dego ama laga koro.

xawaaraha jidkan oo ahaa 90km ayaa hoos loogu dhigi doonaa 50km inta shaqadani socoto.

Category