Madaxweynaha Somaliland Oo Sameeyey Xilka Qaadis,Magacaabis iyo Badel

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto uu maanta soo-saarey  waxaa masuuliyiin ka mid ah xukuumadiisa ku sameeyey xilka qaadis , Magacaabis iyo Badel.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen

Taliyihii Ciidanka Sirdoonka qaranka Maxamed Saleebaan Xaaji Xasan(Sablaale)

Taliyihii Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin(Dayib)

Agaasimihii guud ee Hay”ada Shaqaalaha Dowlada Somaliland Maxamed Geedi Caynaanshe

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa magacaabay xubno ay ka mid ahaayeen:-

Siciid Xasan Habbane Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland

Faysal Guhaad Cabdi gahar Taliyaha Ciidanka Sirdoonka qaran Jsl

Axmed Hure Haariye Taliyaha Ciidanka Bada Jsl

Maxamed Xuseen Xiirane Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Jsl ,oo markii hore ahaa Taliyihii Ciidanka Bada Somaliland

Khaalid Mire Nuux Agaasimaha guud ee Hay”ada Shaqaalaha Dowlada Somaliland

 

 

Category