10 Cunno oo aan Haboonayn in lagu Casheeyo (Qoraal Cilmibaaris)

Bismillahi,

Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa cunnooyinka aanan habboonayn in aan lagu casheeyoo taasoo caafimaadka u roonayn, dadka badankoodne ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Waa qoraal ku dhisan cilmibaaris iyo tijaabin lagu sameeyay dadka cuno cunnooyinkaan iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan.

1-Pizza:Cilmibaaris lagu sameeyay dadka joogteeyo cunista Pizza-da habeenkii inta aysan seexin waxaa la arkay inay ku badan tahay cillada qarawga iyo calwasaadka, waxaana dhibkaan loo saariyaa yaanyada iyo cheese-ka ama burcadka lagu dahaaro khudrada ama hilibka pizza-da lagu sameeyo, qofka wuxuu la kulmi karaa calool majiir iyo inuu shuban la soo tooso. sababta aan ugu bilaabay liiska cunnadaan ayaa waxay tahay in dadka qaar ay caadaysteen in Pizza-da ay dalbadaan habeenkii, laakiin maahan cunno caafimaadka u roon haddii aad ku cashayso.

2-Kaffayga:Qaxwada iyo kaffeygaba lama ogola in la cabo 6-da saac ee ka horayso xilliga hurdada, sababtuna waa hurdo xumo ama hurdo aan tayo lahayn oo la jiifto, tanoo caafimaadka wadnaha u roonayn, akhriso qoraal aan uga hadalnay kaffayga iyo caafimaadka:

3-Suugada:Dad badan ayaa bariis iyo suugo ama baasto iyo suuga ku casheeyo habeenkii, waana dadka ugu badan ee ka sheegto laabjeexa iyo gaaska, sababtuna waa dheefshiidka oo aanan xamili karin inuu cunnadaas shiido iyo jirka bini'aadanka oo u samaysnayn inuu la tacaalo habeenkii aashitada badan ee cunnada ku jirto khaasatan suugada lagu kariyo maraq digaaga iyo yaanyada, fadlan haddii aad caadadaas leedahay ka fogow in aad suugo ku cashaysid habeenkii.

4-Xalwo / Macmacaanka: Cilmibaarisyadu waxay tilmaameen qofkii cuna cunno ku badan tahay sonkorta in sokortaas ay sare u qaadayaan hormoono aanan loogu talagalin in habeenkii ay kacaan, taasoo lid ku ah hormoonada hurdada u xilsaaran, qofkane ma helo hurdo uu ku raaxaysto ama jirka uu ku dago.

5-Basbaaska: Cunnada kulul sida basbaaska iyo filfisha waxay siyaadiyaan gaaska khaasatan haddii la cuno hurdada ka hor habeenkii, wuxuuna qofka la soo boodi karaa matag iyo laabjeex saqdii dhexe.

6-Cabitaanka Aashitada leh / Soda:Inkastoo caafimaadka u roonayn cabitaannadaan, laakiin markii la cabo hurdada ka hor aad bay caafimaadka ugu sii daran yihiin sababtuan waa sokorta ku jirta, kaffeega lagu daray iyo waxyaabo kale oo qofka maskaxdiisa kicinayo una roonayn in uu isticmaalo qof hurdo u socdo.

7-Hilibka badan ama dufanka leh:Hilibka oo lagu casheeyo ama cunno dufan leh sida "beergarka" uma roono dheefshiidka qofka, sababtoo ah caloosha uma lahan awood ku filan habeenkii inay shiido cunno sidaa u culus oo waliba qofkiina uu hurdo, cilmibaaris mar dhaw la sameeyay waxay sheegtay in qofka ku casheeyo cunnada noocaan ahi inay hurdadiisa u dhaxayso jiif iyo soo jeed, wuxuuna subaxii qofka la soo toosi karaa daacoshiir, dibbiro iyo dhuusu ur badan.

8-Cabitaanka Bambeelmada:Waxaa ku jirto maado loo yaqaano "citrus" oo aashito isku badasho khaastan haddii la cabo habeenkii, waxayna keeni kartaa in sokorta ay dhacdo marne kacdo waana arrin qofka hurdo u keeni karto qaraw iyo in aad madax xanuun la soo toosto, fadlan ka fogow cabitaanka liin bambeelmada habeenkii.

9-Shokolaato:Chocolate-ku ma haboona in aad habeenkii cunto sababtuna waa sokorta iyo kaffeyga ku jir, mana lagu helo badanaa hurdo raaxo leh.

10-Cunno la shiilay: Digaaga, Ukunta iyo baradhada la shiilay waxay kordhiyaan aashitada caloosha haddii habeenkii la cuno, sidaa awgeed ma habboona in wax la shiilay lagu casheeyo khaastan adigoo hurdo isku diyaarinayo, waxuu qofka ka dhaxli karaa laabjeex iyo dheefshiid xumo.

Cunnadaas aan kor ku soo xuay waa kuwa ugu badan ee dadku badankood ka wada sheegtaan, lana arkay inaysan caafimaadka u roonayn, way jiri karaa cunnooyin qaarkood oo dadka qaarkood siyaabo gooni ah u dhibi kara oo aan liiska ku jirin, taasina waa cillad u gaar ah qofkaas dhibsanayo.

"Maxaa lagu casheeyaa haddiiba intaas la diiday?", waa su'aal loo hayo jawaab.

Caafimaad ahaan, cashadu waa inay khafiif ahaato oo aysan cuslayn khaasatan dadka waawayn oo dheefshiidkoodu yar yahay, waa in calooshu ay habeenkii nasataa sida jirku u nasanayo, waa in aan dharag lagu seexan.

Wuxuu qofka cuni karaa ama cabi karaa waxyaabo fudud sida Mushaarida, Bariis cad oo aan suugo lahayn, xabad moos ah, koob caano ah, qudaar fudud oo aan la isku shiidin, canjeero malawax aan subag lagu darin, roodhi malab la mariyay iyo digir aan saliid iyo sokor lagu miisin.

Intaanba wax dhib ah ma keenaan, way jiri karaan cunnooyin kale oo aad joogteyso, wax dhib ahne aadan kala kulmin, waad wadan kartaa.

W/Q: Cabdullaahi M. Mahdi

---------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Waa dhakhtar Soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.6-

Category